Allbanaadir.com
NEWS

Askartii AMISOM looga dhaawacay dagaalkii Balcad oo la keenay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Qaar ka mid ah askartii ciidamada AMISOM kaga dhaawacantay weerarkii Jimcihii kolonyadooda lagu qaaday xili ay marayeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa la keenay Magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada ciidamada AMISOM oo weli tirakoob saxan aan laga heynin ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka ay ku leeyihiin xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho halkaasoo lagu daweynayo.

Ku-xigeenka Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya oo lagu Magacaabo Simon Mulongo iyo masuuliyiin kale ayaa dhaawacyadaas ku booqday Isbitaalka

AMISOM ayaan weli shaacin tirada Askartii kaga geeriyooday weerarkii Balcad marka laga reebo dowladda Burundi oo sheegtay in 5 Askari looga dilay.

Weerarkan oo ahaa kii ugu xumaa ee mudooyinkan ciidamada AMISOM ku qabsada gudaha Somalia ayaa khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka sokow waxaa looga gubay ku dhowaad toban gaari halka gaadiid kale laga qabsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

FBI-da Mareykanka oo digniin cabsi leh ka soo saartay xaflada caleemo saarka Biden

Caydiid Ali

Go’aanno adag oo kasoo baxay Shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Somalilad

Cabdi Cade

Qaraxyo badan oo caawa laga maqlayo duleedka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---