Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Howlgal amni oo Muqdisho looga dhawaaqay iyo jidad badan oo la xirayo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa goor dhow ku dhawaaqay in xaalad amni oo la geliyey Magaalada Muqdisho

Yariisow ayaa sheegay in talaabadan ay ka dambeysay markii uu sii xumaaday amaanka  magaalada oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhaceen qaraxyo badan oo dad badan ku dhinteen.

Guddoomiyaha ayaa xusay  in inta lagu guda jiro xaalada amni ay bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo ka duwan kuwii hore si amaanka gacan bir ah loogu qabto.

“Ciidanka Booliska waxay bilaabi doonaan howlgallo guri guri ah oo lagu xaqiijinaayo ammaanka waxaa la xiri doonaa dhammaan waddooyinka, Xitaa waddooyin hadda furan waa la xirayaa” ayuu yiri guddoomiyaha

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka liita sida waayeelka iyo naafada ay dowladda ku qaadi doonto baabuur ay iyada diyaarisay oo magaalada ka dhex-shaqeyn doono, dadka xoogga lehna ay lugayn doonaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya inta uu socdo howlgalka, isagoo ka codsaday inta ay socdaan howlgallada inay muujiyaan dulqaad badan, ayna jiro doonaan jidad badan oo xirnaan doona, iyadoo laga duulayo amni darada jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo fariin adag u diray Dowladaha Turkiga, Qatar iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Abiy Axmed oo magacaabay Taliyaal ciidan iyo Madaxweynihii Amxaarada oo is casilay

admin

Diyaaradaha Dronka oo laga mamnuucay in ay usoo dhawaan Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---