Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah ku leh xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho
Kulankan oo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada ayaa la sheegay in looga hadlayo xaaladda amniga magaalada Muqdisho iyo sidii wax looga qaban lahaa
Kulanka degdega ah ee Golaha Wasiirada la isugu yeeray ayaa daba jooga kulankii Baarlamanka ee maanta baaqday oo xildhibaano ka horjeeda xukuumadda ay geeyeen mooshin ku saabsan xaaladda amniga ee caasimadda oo sii xumaatay.
Kala soco boggan wixii ka soo baxaya kulanka golaha wasiirada uga socda Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com