Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madixii Al-Shabaab ee gobolka Sh/hoose oo isku soo dhiibay dowlada Somalia (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiysay in Madaxii  Al-Shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Sh/hoose Ibraahim Maxamed Bitow iyo askari ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah ay isku soo dhiibeen  guutada 14-ka October ee ciidanka XDS.

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaalkan iyo askariga ilaalada u ahaa ay hadda ku jiraan Gacanta Ciidanka Xoogga dalka.

Labada nin ayaa watay qoryaha fudud ee loo yaqaano Ak-47, faahfaahina lagama bixin qaabka ay isku soo dhiibeen iyo sababta ku kaliftay.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka waday gobolka Shabeellaha hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Aabbe dil argagax leh ugu geestay Muqdisho wiil lix jir ah uu dhalay oo la qabtay

Cabdi Cade

Faahfaahin laga bixiyey duqeyn ka dhacday degaano ka tirsan Puntland

Caydiid Ali

Carruur ku dhax geeriyootay Talaajad ay galeen iyo baaris socota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---