Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo Weeraray Xarunta Tv-ga Universal ee Muqdisho iyo iska hor imaad halkaasi ka …

Ciidamo katiran booliika Soomaaliya gaar ahaan kuwa Canshuuraha qaada ayaa goordhaw weeraray xarunta Telefishinka Universal ku leeyahay Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhax maray ciidamada booliiska iyo Ilaalada xarunta Telefishinka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada booliiska oo tagay xarunta Telefishinka iska hor imaad kala kulmeen Ilaalada xaruntaasi, waxaana mudo daqiiqado ah la maqlayay rasaasta labada dhinac is dhaafsanayeen.

Wariye katirsan Telefishinka Universal ayaa bartiia Facebooka kusoo qoray in ciidamo katirsan booliiska weerar kusoo qaadeen xarunta xili ay howlmaameedka caadiga ee Telefishinka kuguda jireen.

Ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada  ee Koofiya casta ayaa tagay xarunta Tv-ga oon sidaa uga fogeyn Madaxtooyada, waxa ayna ciidanka goobta ka wadeen ciidamada booliiska iyo ilaalada is xabadeeyay iyo sidoo kale qaar kamid ah shaqaalaha Tv-ga.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay xarunta Telefishinka Universal, sidoo kale lama oga sababta keentay in ciidamada booliiska ay weeraraan xarunta Telefishinka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo go’aan ka soo saareysa Shirka Garoowe & Xaaf iyo Axmed Madoobe oo culeys wajahaya

Caydiid Ali

Somalia: Tirada dadka ka bogsaday cudurka COVID-19 oo maanta korodhay

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Somaliland buluug ah ayaa ka midnimo Wanaagsan Laascaanod Buluuga”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---