Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shacabka magaalada Muqdisho oo niyad jab xoogan lasoo darsay

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aad uga niyad jabsan amaanka sii xumaanaya ee caasimada iyo wadooyinka muhiimka ah ee magaalada oo noqday kuwa si joogta ah la isaga xirto.

Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay marti galisay qaraxyo badan iyo dilal qorsheesan, waxaana inta badan dadkii ku dhintay qaraxyada magaalada ka dhacay ay ahaayeen dad shacab ah aan waxbo galabsan.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay wax ka qabtaan xaalada amaan ee sii xumaanaysa, waxa ayna ciidamada amaanka taa badalkeeda kordhiyeen cadaadiska shacabka ku hayaan sida in ay wadooyinka ka xirtaan.

Qaar badan oo kamid ah dadka Muqdisho ayaa hada ka walaacsan xaalada amaan ee magaalada, waxa ayna dadka qaar bilaabeen in ay socodka yareeyaan ama ka fogaadaan goobaha ay is leeyihiin waa la beegsan karaa.

Waxaa hada aad u yaraaday dadka inta badan fadhiista hareeraha laamiga Maka Al Mukarama iyo dadkii laamigaasi u aadi jiray madadaalada, waxa ayna dadka badi noqdeen kuwa iska jooga guryahooda.

Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaan qaarkood laheyn bartilmaameed rasmi ah, waxa ayna mararka qaar ka dhacaan goobo ay fadhiistaan ama ku badan yihiin dadka shacabka ah.

Ganacsigii ka jiray hareeraha laamiga Maka Al Mukarama ayaa sidoo kale aad u yaraaday kadib markii macaamiishii ka adeegan jirtay cabsi awgeed qaarkood uga baaqsadeen isticmaalka laamigaasi oo noqday mid qaraxyadu ku bateen.

Dadka hacabka ee laamiga Maka Al Mukarama ku maraya gaadiidka am amootooyinka ayaa halkaasi xiliyada ay maraan wadnaha farta ku haya ilaahna ka baryaya in halis ka bad baadiyo.

Dowlda Soomaaliya ayaan wali la imaan qorshe wax looga qabanayo amaanka magaalada Muqdisho marka laga reebo in wadooyinka la xiro, kaaga daran magaalada ayaa hadana waxaa ka dhaca qaraxyada iyo dilalka xili ay wadooyinka xiran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo loogu baaqay sameynta Afar arin si uu Imaaradka ula Heshiiyo (Akhriso )

Cabdi Cade

Xildhibaan sheegay in Maamuuskii uu mudnaa aaska Janaraal Galaal in aan loo sameyn

Cabdi Cade

Sargaal Kenyan ah oo maxkamad ku hortoogtay garsoore xukun isaga ka dhan ahaa riday !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---