Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Shacabka oo saakay yeelanaya Kulan ajandihiisu muran badan dhaliyay

Waxaa maanta lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ay yeeshaan kulankii ugu horeeyay kalfdahiga Shanaad, waxaana Xildhibaanada xalay lagu wargaliyay qabsoomida kulanka iyo ajandaha looga doodayo.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanaad u diray fariimo lagu wargalinayo kulanka maanta oo sabti ah ajandihiisu yahay dhageysiga warbixinta Guddiga Dib u eegista Dastuurka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kasoo horjeestay ajandaha kulanka maanta, waxa ayna Xildhibaanada dalbadeen in ajandaha laga dhigo xaalada amaan ee dalka gaar ahaan amaanka Muqdisho oo faraha kasii baxaya.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ku dhaliilay Gudoonka golaha shacabka in iska indha tirayo in laga doodo xaalada amaan ee dalka, waxa ayna ku eedeeyeen Xukuumada in ay ku fashilantay balan qaadkeedii ahaa sugida amaanka Caasimada.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa noqday mid faraha kasii baxay, waxaana bishan magaalada ka dhacay Qaraxyo aad u badan ay ku dhinteen Masuuliyiin, shacab iyo ciidan, waxaa sidoo kale magaalada ka dhacay dilal badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka cirka Soomaaliyeed oo 60 jirsaday & Duuliye Asli Calansido oo hambalyo direysa

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

RW Khayre oo Muqdisho ku soo gebagebeeyey Shirkii culimada Soomaaliyeed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---