Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada Xoogga dalka oo Weeraray fariisin ay lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka ay weerar ku qaadeen maanta fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay weerarkii lagu qaaday Al-Shabaab kaasoo soo gaaray labada dhinac  oo dagaal culus uu dhexmaray.

Saraakiisha Gobolka Bakool ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen duleedka degmada Waajid ee Gobalka Bakool, ayna cagta mariyeen fariisin ay halkaas ku lahaayeen.

Tirakoob sax ah lagama hayo Khasaaraha ka dhashay Weerarkan oo weli aysan ka hadlin Al-shabaab, waxaana degan xaalada degaanka la weeraray inkastoo ay weli ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada Yuhuuda oo gabar Falastiiniyad 17 jir ah u xiray sabab yaab leh

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Gaadiid & Hub Casri ah laga dajiyay Kismaayo iyo Cali Khaliif Galaydh oo jawaab siiyay Muuse biixi !!

admin

Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo oo la sheegay in sadex Ujeedo laga leeyahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---