Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Kulan Muhiim ah oo ka dhacay Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo qaar ka mid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa waxa ay kulan la qaateen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) oo ay wehliyeen Ku-Xigeenadiisa.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay mas’uuliyiinta kaga hadleen hannaanka dhameystirka Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo Guddoonka cusub ee Gobolka Banaadir u sheegay sida ay uga go’antahay in wadashaqeyn ballaaran ay dhexmarto Wasaaradda iyo Gobolka ayaa yiri “Waxaa naga go’an sidii wadatashiga Dastuurka hoos loogu daadajin lahaa loona gaarsiin lahaa ilaa heer degmo si ay uga qeybqaataan shacabka Gobolka Banaadir, taasina waxay ku imaan kartaa marka inaga iyo Gobolka aanu wadashaqeyn dhaw yeellanno Wasaarad ahaanna waa ay naga go’antahay in aan si wanaagsan u la shaqeeyno Maamulka Gobolka Banaadir”.

Dhanka kale, Gudoomiye Eng. Yariisoow ayaa Wasiir Xoosh iyo mas’uuliyiintii la socotay uga mahadceliyay booqashada ay ku soo booqdeen xarunta Gobolka waxa uuna dhankiisa ballan qaaday in ay Wasaaradda kala shaqeyn doonaan hawlaha baaxadda leh ee ay Qaranka u heyso.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara Wasaaradda iyo Guddoonka Gobolka Banaadir ee dhawaan la wareegay maamulka Gobolka waxa ayna bilow u ahayd kulamo wadatashi ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Suudi: “Rooble & Qoor-qoor wax loo soo dhiibay ayey colaad ku gelinayan dadkooda”

Caydiid Ali

Farmaajo iyo Kheyre oon ka qeyb galin xuska aas aaskii Ciidanka Booliiska iyo Sababta oo …

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo si adag u beenisay hadal kasoo yeeray Dowlada Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---