Allbanaadir.com
NEWS

Isbitaalka Kalkaal oo Qaliin lacag la’aan ah u sameeyay 170-qof oo faruurnaa (Daawo Muuqaal)

Isbitaalka Kalkaal oo kamid ah isbitaalada casriga ah ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa qaliin lacag la’aan ah u sameeyay 170-qof oo faruurnaa, kuwaa oo isugu jiray caruur yar yar iyo dad da’ ah.

Qaliinkan ayaa loo sameeyay dad da’dooda u dhaxeysay lix bilood jir ilaa lixdan sano jir, waxaana dadka qaliinkan ka faa’iideestay ahaayeen dad faruuran iskuna furnaa faruurta iyo dhab xanaga.

Madaxda Caafimaadka Isbitaalka Kalkaal Dr C/Qaadir Farxaan Maxamuud ayaa Warbaahinta u sheegay in fulinta qaliinkan lacag la’aanta ah ay iska kaashadeen Hay’ada Kalkaal Foundtion iyo labo hay’ad kale oo fadhigoodu yahay Kenya iyo Mareykanka.

Waxa uu sheegay Madaxa caafimaadka Isbitaalka Kalkaal dadka kala duwan ee qaliinka lacag la’aanta ah ka faa’iideestay in ay ka kala yimaadeen qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’iideestay qaliinkan lacag la’aanta ah ee faruurta looga sameeyay caruur ay dhalen iyo eheladooda ayaa aad uga mahad celiyay Isbitaalka Kalkaal iyo Hay’adihii fududeeyay qaliinadan lacag la’aanta ah.

Qaliinkan lacag la’aanta ah uu sameeyay isbitaalka Kalkaal ayaa faruurta loogu sameenayay dadka faruuran kuwaa oo dhibaato badan bulshada qabay laguna caayi jiray in ay faruuran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan Duufaan oo Muqdisho ku dilay askari dhawwaan guursaday

Cabdi Cade

Kulan Xasaasi ah oo looga hadlay Amniga iyo Xakameynta Hubka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo xukun cusub ku riday kalluumeysato ajnabi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---