Gudoomiyaha xisbiga Wadajir Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xilka iyo amaanada loo dhiibtay uu shacabka u soo celiyo haddii uusan mas’uuliyadiisa qaadan karin.
Isagoo ka hadlayey xaaladda amni darro ee caasimadda ka taagan ayuu sheegay in 13 qarax ay ka dhaceen Muqdisho tan iyo sabtidii hore, wuxuuna rajo xumo ka muujiyey hay’adaha amniga iyo sida ay ugu fashilmeen wax ka qabashada xaaladda amniga.
Siyaasigan oo ka mida mucaaradka ugu weyn ee dowladda ayaa baaqan u diray Madaxweyne Farmaajo:
“Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyadiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Hadii kale intii aad We u cadawga u hoosaasin lahayd, ummada xilka iyo amaanada u soo celi…”
C/raxmaan C/shakuur ayaa is weydiiyey: “Hadii Hay’adii Nabadsugida aysan bilo badan taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Hadii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu taliye ka yahay booliska Gobolka Banadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi. … Su’aasha waxay tahay maxay is dooriyaan argagexisada iyo kuwa shacabka u hoosaasinaya…?”
“Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha dawlada iyo wadada Makka Al Mukaramah oo ay dawladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com