Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgooska Dabka.
Qaraxa ayaa sida aan wararka ku helna ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la hordhigay goob Internet Cafe ah sidoo kale kuyaalaan maqaaayado iyo xarumo kale oo ganacsi oo aad u mashquul badan.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa ku yaalay geed weyn oo la harsado xiliyada ay cadceedo kulushahay, waxaana inta badan halkaasi fadhiisan jiray dad u badan shacab .
Qaraxa ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad goobta ku sugnaa iyo sidoo kale dad kale oo saarnaa gaadiid iyo Mootooyin laamiga xiligaasi marayay.
Gaadiidka gurmadka dega dega ayaa goobta ka qaaday dad badan oo qaraxa ku dhaawacmay iyo kuwa dhintay, waxaana dadka dhintay la sheegay in ay ka badan 5-qof halka tiro kale oo badana ku dhaawacmeen qaraxa.
Qaraxada ayaa maalmahan noqday kuwa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaana ku fashilmay kahor taga qaraxyada iyo dilalka sida joogtada ah uga dhacaya Muqdisho.
Â
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com