Magaalada Muqdisho ayaa u kala xiran labo qeyb , waxaana ku adkaatay dadka isticmaala gaadiidka iyo mootooyinka in ay si caadi ah ugu kala gudbaan labada qeyb ee xiligan Muqdisho u kala xiran tahay.
Waa ay kugu adkaaneysa hadaad joogto waxii ka xageeya laamiga Wadnaha in aad usoo gudbto dhinaca kale ee Muqdisho gaar ahaan Laamiga Maka Al Mukarama iyo qaar kale oo kamid ah Degmooyinka gobolka Banaadir.
Gabi ahaan waxaa la xiray isgoosyada laamiga Wadnaha gaar ahaan wadooyinka soo aada dhinaca kale ee magaalada , waxaana wadooyinka lagu xiray dhagxaan iyo sidoo kale xarig muujinaya in wadada ay xiran tahay.
Ciidamada jooga barahaasi koontarool ayaa u muuqda kuwa aan la hadleyn dadka iyo gaadiidka, waxaana dadku danta ku qasbeysaa in laamiga ka lugeeyaan ama ay dib ugu laabtaan halkii ay markii hore ka tageen.
Dadka qaar ayaa koontaroolada xiran uga degaya mootooyin iyaga oo dhinaca kale kasii raacaya mootooyin kale oo geenaya goobaha ay rabaan, halka dadka kalana dantu ku qasbeyso in cagtooda maalaan.
Caasimada Muqdisho ayaana hada u kala xiran labo qeyb oo kala ah waxii ka hooseeya laamiga Wadnaha iyo waxii ka koreeya, waxaana xirnaasha wadooyinkan dhibaato xoogan ku qaba dadka shacabka ah.
Laamiga Maka Al Mukarama markii hore ahaa mid mashquul badan ayaa hada u muuqda mid firaaqo ah, waxaana inta badan laga celiyay laamigan in ay maraan gaadiidkii kala duwanaa ee qeybaha kale ee magaalada ka imaan jiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com