Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Amaanka oo kulan gaar ah ka yeeshay Xaalada Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay kulan gaar ah ka yeeshay xaalada Soomaaliya gaar ahaan mida amaanka, Siyaasada, Dhaqaalaha iyo doorashooyinka la filayo in ay dhacaan sanadka 2021-ka.

Kulanka gaarka ah ee golaha Amaanka ka yeeshay xaalada Soomaaliya ayaa intii uu socday looga hadlay qodobo dhoor ah ay kamid tahay doorashooyinka , waxa ayna xubnaha golaha amaanka ku baaqeen in la dedejiyo diyaarinta xeerka doorashooyinka.

Golaha amaanka  ayaa sidoo kale isku raacay in mudo sanad dheeraad ah waqtiga loo kordhiyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM, waxaana xafiiskan la isku raacay in uu sii shaqeeyo ilaa 31-da Maarso sanadkan soo socda ee 2020.

Waxaa sidoo kale golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku baaqeen in taageero la siiyo ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si ay uga adkaadaan kooxaha ay ku tilmaameen argagaxisada.

Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey  Abuukar Baalle ayaa jeediyay khudbad uu uga hadlayay xaaladaha kala duwan ee Soomaaliya gaar ahaan horumarada ay dowladu gaartay.

Soomaaliya ayaa shaki la galinayaa in sanadka 2021-ka ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod, waxaana Dowlada hada jirta u muuqataa mid ku fashilantay in dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda DF iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo shir degdeg yeelanaya iyo ajandaha Shirka oo..

Cabdi Cade

Maamulka & Shaqaalaha Allbanaadir Online oo ummada Soomaaliyed u diraya hambalyada bisha Ramadaan

Caydiid Ali

Video: Tirada Soomaalida oo 35 Milyan gaari doonta sanadka 2050 & Warar kale oo xiiso badan

admin
Taboola Ads ---