Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xubnaha baarlamanka Somalia ayaa sheegay in kalfadhigii baarlamanka Somalia uusan furmin maanta, balse la furay wax la mid ah golihii hanuuninta dadweynaha ee jiray xiligii dowladii kacaanka.
Hoos ka akhriso Qoraal fiqi uu soo dhigay bartiisa Facebook
GOLAHEE LA FUREY?
Waxaa shaki iga galey golaha la yiri maantay waa la furey! Ma Golaha shacabkaa mise golahii hanuuninta dadweynaha ee la dhihi jirey xilligii kacaanka “orientation”.
Kooxo fanaaniin qaadaya heeso lagu ammaanayo madaxweynaha, ayna u ekaysiinayaan mid asagu dadka iyo dalkaba iska leh, cid aan asaga aheyna aysanba jirinba, Dumar duruufi ka muuqatay oo boqolaal ah oo halkudhigyadii kacaanka ku dhawaaqayey, kooxo baanbay ah oo ayaguna xoogaa markii khudbadda uu wadaba dhexgelinayey muusiko xusuusteedu noo celinayso ayaama-zamaan, khudbooyin ammaan u badan oo guddoonada barlamaanada gobolada la soo dhexmarsaday!!
Waxaa intaas dheerayd kuraastii xildhibaanada loogu talagalay oo shacab laga soo buuxiyey, kuwaasoo sacabka ku kaalmaynayay marka madaxweynuhu dhowr kalimo uu yiraahdaba! Iyo yaab iyo la yaabyo kale!!
Uma ekeyn munaasabad maamulkeeda uu barlamaanku gacanta ku hayey, adduunka barlamaanadiisana mid noocaas loo furana ma jiro, mana dhacdo barlamaan dal furistiisa in ay ka hor khudbeeyaan safiirro/wakiillo hey’ado ajnabi ah iyo in laga soo buuxiyo noocyada dadkaas aan kor ku soo sheegay!
Cidna lagama daadejin karo in lagu yabooho in mustaqbal wanaagsan la tiigsanaayo ayadoo habdhaqan faraha looga soo gubtey la soo noolaynayo ama uu nala fiican yahay!
Guddoonka golaha shacabka waxaan ka codsanaynaa in “munaasabadaha furista golaha shacabka habraac iyo hab maamuus gaar ah loo sameeyo” si barlamaanka loogu ekeysiiyo mid ka jira dal dimuqraadi ah, oo aan dhiiragalinayn habdhaqanka kali-talisnimada, shaqada iyo karaamada barlamaankana laga ilaaliyo in la dhigo meel hoosaysa
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com
.