Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Brundi oo shaacisay tirada askarta looga dilay Weerar ka dhacay Duleedka Balcad

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa shalay weerar gaadmo ah waxa ay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Brundi xili ay marayeen duleedka Balcad.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu weeraray qaraxyo iyo rasaas toos ah, waxaana ciidanka la weeraray lagu galay deegaan lagu magacaabo Haanta sheekh oo kuyaala duleedka Degmada Balcad.

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Burundi Gaston Sindimwo, oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in shan askari looga dilay weerar Al Shabaab ku qaadeen ciidamadooda oo ku safrayay laamiga u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar.

Waxa uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka dalka Brundi in ay aad uga walaacsan yihiin askarta Al Shabaab dagaalka uga dileen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in khasaaraha ciidamada AMISOM gaaray uu ka badan yahay inta hada la sheegay.

Dad ku sugan deegaanka Qalimoow ee duleedka Balcad ayaa sheegay in ay arkayeen dagaalyahanada Al Shabaab oo jiidaya meydadka ciidamo katirsan AMISOM oo shalay weerarka ku dileen.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii AMISOM ku qaadeen ku dileen 20-askari sidoo kale gaadiid dagaal ku gubeen, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in gacanta ku dhigeen gaadiid saanad u siday ciidamada AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-shabaab oo sheegtay iney weerareen kolonyo ay la socdeen ciidamo Maraykan ah

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo faahfaahiyey tirada ajaaniibta & Soomalida lagu dilay weerarkii Kismaayo

Caydiid Ali

Milatariga Itoobiya oo faragalin ku sameenaya dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---