Waxaa maanta la filayaa in garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degto diyaarad sida maxaabiis Soomaaliyeed oo mudo sanooyin ah ku xirnaa dalka Hindiya.
Maxaabiistan dalka lagu soo celinayo ayaa u badan burcad badeed Soomaaliyeed oo horey qaarkood usoo dhameesteen sanooyin xabsiyo ah ay ku rideen Maxkamdo kuyaala dalka Hindiya.
Sii deynta Maxaabiistan Soomaaliyeed ayaa qeyb ka aheyd heshiis ay sanadkii hore gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya oo ku aadanaa in la is dhaafsado Maxaabiista labada dal.
Muqdisho waxaa horey loo keenay maxaabiis ku xirneyd dalka Hindiya kadib markii lasoo daayay, waxaana maxaabiista maanta mar kale la keenayo magaalada Muqdisho noqonayaan qeybtii labaad ,
Madax katirsan dowlada Soomaaliya ayaa la filayaa in ay tagaan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kuna soo dhaweeyaan Maxaabiista Soomaaliyeed ee maanta laga keenayo dalka Hindiya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com