Iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay abaaro ka jireen qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa roobabka xilliga guga ay ka curteen qeybo ka mid ah degaanada Soomaalida.
Roobab mahiigaan ah ayaa xalay illaa maanta ka da’ay degaano ka mid ah gobolka Bay, Sh/hoose, Sh/dhexe, Mudug iyo Galgaduud kuwaasoo biyo badan badan dhulka dhigay, isagoo buuxiyay baraagadihii iyo ceel gacmeedyadii halkaasi ku yaallay, mana jirin wax qasaare ah oo uu sababay marka laga reebo hakad uu geliyay isu socodka gaadiidka.
Sidoo kale degaano ka tirsan Maamulka Puntland ay ka curteen roobabkii gu’ga, waxaana ka mid ah degaano hoos taga gobolada Nugaal, Sool iyo Ceyn
Degaano kale oo ka mid ah Somaliland iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa iyana la soo sheegayaa iney roobab wanaagsan ka da’een.
Curashada xilli roobaadka guga ayaa waxaa la filayaa inuu wax weyn ka beddelo biyo la’aanta iyo abaaraha ka jirtay qeybo badan oo dalka Soomaaliya, waxaana dadka beeraleyda ah si aad ah isugu diyaarinayaan xilligan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen roobabka guga iyadoo diyaarsanaya dhulkii ay dalagyada ku abuuran lahaayeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com