Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War murtiyeed ka soo baxay Beesha caalamka oo lagu taageeray hal abuurka RW Khayre (Akhriso)

Qaramada Mudoobay, Midowga Afrika,  Midowga Yurub, Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa soo dhoweeyay hal-abuurka ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kkhayre ee dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo ammaanka.

Waxaan dhiirri gelineynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku fineyso dib-u-habeynta hay’adaha mmaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa inaan howshaan ku taageeri doonno. Waxaan wadahadallo dheeri ah ku falanqeyn doonnaa kulamada arrimaha Soomaliya ee  shirka gu’aga ee World Bank-International Monetary Fund oo bisha Abriil ka dhici doona Washington. Waxaan sidoo kale waxaan isla eegi doonnaa go’aanno muhiim ah oo ku saabsan sii joogteynta taageerada AMISOM oo mas’uuliyadda amniga ku wareejinaya ciidan ay Soomaaliya leedahay.

Waxaan aaminsannahay fulinta dib-u-habeynnadaa oo la dhameystiraa ay gacan ka geysaneyso xasilooni iyo barwaaqo ay dadka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolkaba helaan. Bahwadaagta Soomaalida waxaan ku dhiirri gelineynaa in ay taageeraan oo ay si wadajir ah dadaal ugu bixiyaan si loo caawiyo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed  si ay u xaqiijiyaan dib-u-habeynnadaan iyadoo loo marayo wadahadal loo dhanyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dacwadii loo heestay Wasiir kuxigeenkii Arimaha Dibadda oo go’aan laga gaaray

Cabdi Cade

Xildhibaanada Mooshinka waday oo galabta dhoolatus ku soo bandhigay tiradooda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada oo amarro culus oo is qilaafsan kasoo saartay COVID-19 shegtayna in la joojiyay waxyaabo badan !!

admin
Taboola Ads ---