Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi dhaliilay Khudbadii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha milatariga

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shalay booqday xeryo ciidan ayaa khudbad u jeediyay saraakiil iyo ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya.

Farmaajo ayaa saraakiisha ciidanka u sheegay in mudo 2-sano ah guulo aan laga gaarin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna xusay in xiligii uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Dowladii KMG sadex bil kaliya guulo waa weyn lagu gaaray.

Madaxweynaha ayaa iska  fogeeyey guul-darrada amniga, isaga oo ciidamada xoogga dalka dusha ka saaray  guul-darrooyinka amniga gaar ahaan ka soo bixid la’aantiisa balantii aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano gudahood.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa si weyn u dhaliilay siyaasiga Cabdiraxmana Cabdishakuur Warsame, waxa uuna hadalka Madaxweyne farmaajo ku tilmaamay mid aan mico laheyn .

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Cabdiraxmana Cabdishakuur ku cabiray khudbadii Madaxweynaha

Markii aan dhageystay khudbadii uu madaxweynuhu ciidanka kula hadlay; waxaan soo xusuustay wadaad mu’addin Masjid ahaa oo salaaddii subax ka soo daahay, ayaa dadkii oo salaaddii soo tukaday ka horyimideen. Waxay ku yiraahdeen Sheekhow saakay huradadii waa kula tagtay. Wadaadkii oo hadalkaa ka dhiidhinaya ayaa yiri “hurdo ilama aysan tegin ee waaga ayaa xilligiisii ka hor baryey. Wadaadku si uu masuuliyada kaga cararo wuxuu eedda dusha ka saaray koonka iyo dabeecadda Ilaaheey abuuray ee aan marna is beddalin.

Madaxweynaha cid uusan horay u eedaynin malaha, mucaarad, dowlad gobolleed, warbaahin, dowlado ajnabi ah. Maantana ciidankii ayuu eeday. Waxaan iyana meesha ka marneyn eed dadban, maadama uu guulihii uu keenay xilligii uu Raysalwasaaraha ahaa ka sheekeeyey, sida in uu leeyahay, haddii aan Raysalwasaare ahaan lahaa wax badan ayaan qaban lahaa.

Madaxweynaha waxa u harsan oo keli ah in uu koonka iyo dabeecadda eedeyo, sida wadaadkii mu’addinka ahaa oo kale.

Hoggaamiyayaashu waa labo. Kuwo jecel in ay guusha ammaanteeda qaataan, wixii guul daro ahna dadka kale dusha ka saaraan iyo kuwo wanaaggana cidii keensata u tiiriya, fashilka iyo guuldaradana masuuliyadeeda qaata.

Sababtoo ah hoggaamiye dal waxay qiimayntiisa dhabta ah imaanaysaa marka uu xilka ka dego. Ma jirto cid xusuusanaysa dadkii maamulkiisa ka tirsanaa, wanaag iyo xumaan, guul iyo guuldarro, wixii maamulkiisu keenay isaga ayaa leh.

W/Q Abdirahman Abdishakur Warsame

Related posts

Farmaajo oo Saakay Isbitaal ku booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Taiwan oo Xafiis diblomaasi oo rasmi ah oo ka furatay Somaliland

Caydiid Ali

Dowladda oo shaacisay Khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Qeycad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---