Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay isgooska Taleex ee magaalada muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaari lagu soo xiray, waxaana gaariga qarxay qabsaday dab xoogan oo saameeyay gaadiid kale oo gaariga daba socday. ay ku jiraan gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay , waxaana halkaasi laga qaaday dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wali lama oga dadka watay gaariga qaraxa lagu soo xiray, waxa ayna goobjoogayaal ku warameen in qaraxu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad la socday gaariga qarxay iyo dad kale oo ka ag dhawaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Amniga oo xabsiga dhigtay sarkaal Boolis ah & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Xildhibaanada la safan Guddoomiye Jawaari oo kulan xasaasi ku leh Villa Hargeysa

Caydiid Ali

(Sawirro) Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Galgaduud oo la soo bandhigay

Caydiid Ali