Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo ka farxisay boqolaal qaxooti ka soo laabtay xerada Dhadhaab (Sawirro)

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa 250 guri oo cusub ku wareejiyey dad ka soo laabtey Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Guryahan ayaa loogu talagalay inay hoy u noqdaan dadka dib uga soo laabtay Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee soo gaaray magaalada Kismaayo, waxaana hirgeliyey Wasaarada arrimaha gudaha Jubbaland.

Madaxwayne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) ayaa xariga ka jarey guryahan cusub oo duleedka magaalda Kismaayo laga dhisay.

Lugadheere ayaa sheegay inay wax badan ka qaban doonaan dhibaatooyinka heysta nolosha qoysaska barakacyaashaa ee dalka dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo.

Qoysaska barakacayaasha ah ayaa si weyn ugu farxay guryaha lagu wareejiyey, iyagoo u mahad celiyey maamulka Jubaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Donald Trump oo hanjabaad aan horey loo arag u jeediyay Xamaas

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo u ambobaxay dalka Eritrea iyo Ujeedka safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo digniin culus ka soo saartay xaalada Magaalada Xudur

Caydiid Ali
Taboola Ads ---