Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u hadal haya Dhaqtar ka shaqeeya Isbitaalka Kenyatta ee kuyaala magaalada Nairobi oo qaliin dhinaca Madaxa ah ku sameeyay bukaan aan aheyn midkii u baahnaa qaliinkaasi.
Dhaqtarkan ayaa la sheegay in uu qaliin ku sameeyay bukaan xanuun yar ka qabay dhinaca madaxa , waxa uuna ku qalday bukaan kale oo u baahnaa qaliin si looga saaro xinjir dhiig oo madaxa ka fadhiyay.
Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in dhaqtarka uu si qaldan qaliin madaxa ah ugu sameeyay bukaan daaweyn yar u baahnaa, waxa uuna Wargeyska intaas ku daray in dhaqtarkaasi qaladka sameeyay shaqada laga eryay.
Dhaqtarka ayaa la sheegay in uusan si deg deg ah u dareemin in bukaanka uu qaliinka ku sameenayo uu yahay kii u baahnaa, waxa uuna ogaaday mudo saacado ah uu howsha qaliinka ku jiray kadib.
Isbitaalka Kenyatta uu ka shaqeenayay dhaqtarka qaliinka qaldan sameeyay ayaa dhacdadan raali galin ka bixiyay, waxaana maamulka Isbitaalka sheegeen in shaqada laga fariisiyay dhaqtarkii qaliinka sameeyay.
Dhaqtarka ayaa ka hor yimid go’aanka shaqada looga eryay, waxa uuna sheegay in ay tahay in la ciqaabo qofkii calaamadda aqoonsiga qaldan ee ku dhagnaa qofka bukaanka ah, taas oo muujinaysay in uu yahay qofkii u baahnaa qaliinka.
War kasoo baxay maamulka Isbitaalka Kenyatta ayaa lagu sheegay in xaaladiisa fiican tahay bukaankii qaliinka qaldan lagu sameeyay, halka sidoo kale aan wali la qalin bukaankii kale oo la sheegay in xaaladiisa ay sidii hore ka fiican tahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com