Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo Hargeysa kula kulmay Dr. Halit Eren iyo Xubno la socday (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) oo qayb ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee o OIC, Dr. Halit Eren.

Kulankaas oo lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha hawlaha horumarineed ee taariikhda islaamka iyo dhaqanka oo ay qaabilsan tahay IRCICA, waxaanu madaxweynuhu sharaxaad ka siiyey taariikhda iyo dhaqanka dalka Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagu lafo guray sidii dhismeyaal iyo dayactir loogu samayn lahaa goobaha taariikhda qadiimiga ah ee Somaliland, khaasatan masjidka qiblataynka ee magaalo xeebeedka saylac iyo goobaha kale asaarta qadiimiga ah ee Somaliland caanka ku tahay.

Ugu danbayn agaasimaha Xaruntaasi wuxuu madaxweynaha uga mahadnaqay kulankaasi ay la qaateen, waxaanu ku amaanay Somaliland siday u ilaashatay taariikhda iyo aasaarta qadiimiga ah ee dalka, isagoo sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland, ka mid tahay wadamada taariikhda islaanku ku duugan tahay, imaantinkooduna daaran yahay sidii qorshahoodu qayb uga noqon lahaa baadigoobka taariikhda Islaamka.

Waxaana kulankaa ku wehelinaayey Madaxweynaha Wasiirrada wasaaraddaha Diinta iyo aw qaafta, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska & agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/kariin Guuleed:”Haddii DF xal keeni weyso, dowlad kale ayaan ka garab dhiseynaa”

Caydiid Ali

Xog Cusub: Doorashada Somalia ee 2020/2021 oo mabda ahaan heshiis laga gaarey ?

Cabdi Cade

Iran oo oo durba Magacawday Badalka Taliyihii la dilay iyo dagaal laga cabsi qabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---