Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geestay oo saakay ka dhacay agagaarka Daarta NBC oo kutaala degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa lala eegtay gaari Qooqan ah ay laheyd Jaamacada Simad, waxaana gaariga xiliga la qarxinayay uu marayay Laamiga 30-ka gaar ahaan halka loo yaqaan MBC.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa darawalkii gaariga waday ayaa ku dhintay qaraxa halka uu ku dhaawacmay ruux kale oo la socday, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska oo baaritaano kawada.

Gaariga la qarxiyay ayaa lagu qaadi jiray shaqaalaha ajaaniibta ah ee wax ka dhiga Jaamacada Simad, waxaana xiliga qaraxa gaariga lala eeganayay la sheegay in uu kasoo laabtay Jaamacada uu geeyay shaqaalo.

Qaraxyada miino ee lala eegto gaadiidka ciidanka iyo kuwa qooqanada ah ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana maalin kahor sadex qarax miino siyaabo kala duwan uga dhaceen qeybo kamid ah Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo la Shaaciyay in uu geeriyooday

Cabdi Cade

Dagaal Khasaaro geestay oo Khartuum ku dhax maray Sirdoonka Sudan iyo Dacish

Cabdi Cade

Faahfaahin: Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo ku le’day Qarax dhulka loogu aasay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---