Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta imaanaya Muqdisho

Warar lagu kalsoonaan karo oo kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in maanta magaalada Muqdisho kusoo wajahan yahay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa marar badan dib u dhac ku yimid safar uu ku imaan lahaa magaalada Muqdisho, waxaana maanta la filayaa Axmed Madoobe in uu soo gaaro Muqdisho uu bilo badan cagtiisa soo dhigin.

Socdaalka Madaxweynaha Jubbaland ku imaanayo Magaalada ayaa daba socota safarkii Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre dhawaan ku tagay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa marka Muqdisho yimaado la filayaa in Madaxda sare ee dalka la kulmo, waxaa sidoo kale la filayaa in Muqdisho lagu dhameestiro heshiisyo horey u gaareen Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray Shirka uu ku baaqay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

DF oo shaacisay iney cagta marisay Maxkamadihii Al-Shabaab ee duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Gudoomiye Cabdiraxmaan Garyare oo Qarax lagu dilay xili uu Masjid kasoo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---