Raisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafdigii uu horkacayey ayaa duhurnimadii maanta salaadii Jimcaha ka dib ku soo laabtay dalka ka dib markii ay soo dhameysteen booqasho dhowr cisho qaadatay oo ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta.
Kheyre ayaa dalka Imaaraadka kula soo kulmay Masuuliyiinta dalkaas, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya ee la xiriira dhinacyada amaanka, dhaqaalaha iyo qodobo kale.
Wafdiga raisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha xukuumada iyo Baarlamanka.
Soo laabashada raisul wasaaraha ayaa ku soo beegantay xili shalay dalka Imaaraatka ee uu ka yimid ay heshiis lagu qeybsaday saamiga maalgeshiga dekeda Berbera ku kala saxiixdeen masuuliyiin ka kala socotay shirkadda DP Word, dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland kaasoo dowlada Somalia ku tilmaantay sharci daro.
Sidoo kale soo laabashada raisul wasaaraha ayaa ku soo aadeysa xili maanta Al-shabaab weeraro culus oo isugu jira qaraxyo waaweyn iyo dagaalo culus ka geysteen degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose, aadna ugu dhow magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com