Waxaa soo baxaya faahfaahino hordhac ah oo ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay wax yar ka hor salaadii Jimcaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa loo adeegsaday gaari moociisu aha NOAH oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana nin naftii halige ah oo gaarigaas waday uu la beegsaday saldhig ku yaalla agagaarka buundada weyn ee degmadaas oo dhowaan la dejiyey ciidamo ay tababartay dowlada Imaaraadka sida wararku nagu soo gaarayaan.
Ciidamada dowlada xiray goobta uu ka dhacay qaraxan, waxaana joogsaday muddo saacado ah socodka gaadiidka wadada isku xirta Muqdisho iyo gobolada koonfureed ee Somalia.
Qaraxa ka dib ayaa waxa la maqlay rasaas aad u xoog badan oo ka dhaceysa jihooyin badan taasoo khal khal iyo cabsi ku abuurtay shacabka degmadaas, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in Xoogaga Al-shabaab ay soo buuxiyeen hareeraha degmadaas ayna isku diyaarinayaan iney weeraro soo qaadaan.
Inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin khasaaraha ka dhashay qaraxan haddana goob joogayaal ayaa sheegaya iney arkeen meydadka ugu yaraan 10 ruux oo isugu jira shacab meesha ka dhowaa iyo ciidankii degenaa xeradaas halka dad kale oo badana ay ku dhaawacmeen.
Gaadiidka gargaarka deg dega ah ee ay leeyihiin Ciidamada iyo kuwa laga leeyahay goobaha caafimaadka ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay tagay, waxayna Muqdisho u soo qaadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.
Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa qiray inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray ciidamadii degenaa xeradan oo loo diyaariney maalmaha soo socda weeraraan degaanada Al-Shabaab ay ka joogaan Sh/hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana war ay ku faafiyeen baraha internetka ee taageera ay ku xuseen in dagaalame ka tirsan iyaga oo watay gaari miineysan uu fuliyey weerarkan ayna ku laayeen askar badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com