Qarax weyn oo ismiidaamin ah ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo illaa 30-km Koonfur kaga toosan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Gaari la sheegay inuu noociisu ahaa NOAH oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa la sheegay in qaraxan loo adeegsaday kaasoo uu waday nin naftiisa soo biimeeyey.
Warka ayaa sheegaya in qaraxan oo si weyn looga maqlay degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda lala beegsaday xarun ciidamada dowladu ku leeyihiin degmadaas, iyadoo uuro iyo qaac weyn uu cirka isku shareeray.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, waxaana goobta xiray ciidamada dowlada iyadoo la maqlayo rasaas goos goos ah sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan degmada Afgooye.
Qaraxan ka dhacay degmada Afgooye ayaa ku soo aaday xili xoogag taabacsan Al-shabaab ay sidoo kale dagaal kula wareegeen saaka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe halkaasoo lagu soo waramayo in weli ay dagaalo ka socdaan.
Wixii ku soo kordha qaraxa Afgooye kala soco wararkeena ugu horeeya INSHA ALLAAH
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com