Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Danab oo Al-Shabaab kala wareegay degaano ka tirsan Sh/hoose (Daawo Sawirro)

Ciidamada Kumaandoska Soomaaliya ee Danab ayaa wada howlgalo  ballaaran oo lagu xaqiijiniyo Aminga Wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Wanle-weyn ee gobalka Sh/hoose

Ciidanka Danab ayaa gudaha u galay lana wareegay degaano hor leh oo ay sheegeen iney shacabka lacago baad ah kaga qaadi jireen Al-shabaab.

Degaanada ay ciidamadu gaareen waxaa ka mid ah Godale, Cadalay, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga degmada Toora-toorow iyo goobo kale.

Taliyaha Ururka 4-aad ee ciidanka DANAB Gashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sheegay in ay guulo ka soo hooyeen howlgalo ballaaran oo ay deganadaasi ka sameeyeen, wuxuuna xusay in Xoogaga Al-Shabaab ay halkaasi isaga baxeen, markii ay ka war heleen howlgalada ciidanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne kuxigeen maanta lagu doortay Gaalkacyo

Cabdi Cade

Mid kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo ka hadlay Is Casilaadii Jawaari

Cabdi Cade

Tirada askarta Mareykanka ee waxyeelada kasoo gaartay Duqeymaha Iraq iyo Syria oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---