Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somalia oo booqasho ku tegay Magaalada Rabat

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray Magaalada Rabat ee dalka Marooko.

Cawad ayaa hoggaaminaya wafdi sare oo diblomaasiyadeed oo booqasho rasmi ah oo laba cisho qaadanaysa ku joogi doona dalka Marooko.

Sida la qorsheeyay Mudane Axmed Cawad waxa uu kulan laba geesood ah la yeelan doonaa dhigiisa Marooko Nasser Bourita si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo qaabkii loogu saldhigi lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashi wadaag dhinac kasta leh oo u adeeggaya danaha labada dal ee walaalaha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Baaq u diray Beesha Caalamka 

Cabdi Cade

Sharci yaqaano tiro badan oo baaq ku aadan Dagaalka Gaza u diray dowladda Britain

Cabdi Cade

Dad Soomaali ah oo xalay dil iyo dhaawac loogu geystay degaanka Foslors

Caydiid Ali
Taboola Ads ---