Xoogaga Al-shabaab ayaa la sheegay iney goor dhow la wareegeen qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ka dib weerar ay halkaas ku soo qaadeen.
Goob joogayaal ku sugan degmada Balcad ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab oo degmada ka soo weeraray dhowr jiho ay hadda ku sugan yihiin xarunta Maamulka degmadaas iyo saldhiga Booliska.
Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha degmada Balcad taasoo ay isweydaarsanayaan ciidamada dowlada ee difaacaya degmadaas iyo xoogaga Al-shabaab ee gudaha u soo galay.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada AMISOM ee degan warshadii dharka Balcad, iyagoo gacanm siinaya ciidamada dowlada.
Waxaa cakiran xaalada degmada Balcad, suuqa ayaa xirmay, iyadoo dadweynuhuna ay ku jiraan guryahooda, lamana oga illaa hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkan.
Wixii ku soo kordha xaalada Balcad kala soco wararkeena ugu horeeya INSHA ALLAAHÂ Â
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com