Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta aas qaran oo ay kasoo qeyb galeyn Madaxda dalka ugu sareysa magaalada Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistee Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahin oo lagu dilay weerarkii shalay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha golaha shacabka , Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa ka qeyb galay salaada Janaadasa oo Marxuunka lagula dukay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha  Shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, daacad iyo howlkar ahaa, ku weyneyd Soomaalinimada iyo hormarinta dowladnimada Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Xillibaan Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa shalay kamid noqday dadkii Al Shabaab ku dileen weerarkii lagu qaaday xarunta Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada ee kutaala degmada Shangaani.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia sheegtay in howlgal qorsheysan lagu dilay 100 dagaalyahan

Caydiid Ali

Mareykanka & Kenya oo kala saxiixday heshiis ka dhan ah A-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Wax ka ogow baasaboorka cusub ee Itoobiya iyo waxa la gudboon dadkii hore…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---