Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo War cad ka soo saartay heshiiskii lagu qeybsaday dekeda Berbera (Akhriso)

Xukuumada federaalka Somalia ayaa sharci daro ku tilmaantay heshiis shalay Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadku ku kala saxiixdeen dowladda Itoobiya Maamulka Somaliland iyo Shirkada DP World, kaasoo qeexaya in dowladda Itoobiya ay saami ku yeelato Dhaqaalaha ka soo baxa dekada magaalada Berbera.

Heshiiskaas ayaa loo fadhiyay muddo dhowr maalmood ah, waxaana ugu dambeyn la isku raacay in 51% saamiga horumarinta dekedda yeelato shirkadda DP World, 30% waxaa yeelaneysa Somaliland, halka 19% ay yeelaneyso dowladda Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed iyadoo heshiiskaas ku tilmaantay mid lidi ku ah qaranimada dalka iyo shuruucda caalamiga ah sidan hoose ayuuna u qornaa War-saxaafadeedka.

War Saxaafadeed

Waxaa warbaahinta lagu baahiyay inuu jiro heshiis ku saabsan maalgashiga Dekedda Berbera kaasoo u dhaxeeya Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Sida u qeexayo heshiiska warbaahinta lala wadaagay, shirkadda DP World ayaa yeelanaysa saami dhan 51%, Somaliland 30%, halka Dowladda Itoobiya ay yeelanayso 19%.

Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, oo wakiil uga ah arrimaha dekadaha dalka oo dhan Xukuumnadda Federaalka Soomaaliya, waxaay caddeynaysaa;

  1. In Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in heshiiskaas lala saxiixdo Shirkadda DP World.
  2. In heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
  3. In habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed, annaga oo cuskanayna qodobada kor ku xusan, waxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda caddeynaysaa in uu heshiiskaasi yahay mid waxba kama jiraan ah, waxayna ka digeysaa heshiisyada noocan oo kale ah ee baal marsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa cid walba oo dooneysa inay maalgashi ku sameysato khayraadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, hase yeeshee waxay caddaynaysaa in haya’daha dustuuriga ee dalka oo kaliya, sida Xukuumada Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwa keliya ee ku shaqada leh go’aan ka gaarista iyo ansixinta heshiiskan iyo kuwa noociisa ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo ku fashilmay dacwad uu ka gudbiyey natiijada doorashada Maraykanka

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Daraawiishta Galmudug oo Tababar loo soo xiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Saraakiil Itoobiyaan ah oo Qado Sharaf u sameeyay Madaxweyne Waare (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---