Dayuuradii ugu horeysay ee rakaab ah ayaa ka dagtay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo muddo sanado ah go’doon dhinaca dhulka ah ugu jirtay Al-Shabaab.
Warka ayaa intaas ku daraya in dayuuradan oo ah kuwa yar-yar ay ka duushay garoonka Muqdisho, iyadoo halkaas geysay sanado ka dib dad shacab ah, waxaana talaabadan si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha ku nool degmada Jalalaqsi.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegey in arintan ay tahay Guul u soo hoyatay shacabka ku nool degmadaasi ayna ku faraxsan yihiin.
Qaar ka mid ah rakaabkii gaaray degmada Jalalaqsi ee la socday dayuurada ayaa waxay sheegeen ineysan degmadaas tagin sanado badan ka dib markii amnigooda awgeed ay uga baqeen iney gaadiidka dhulka raacaan sababo la xiriira xoogaga Al-shabaab oo jooga wadooyinka gala degmadaas.
Inkastoo Al-Shabaab aysan gaadiidka rakaabka ah ka joojinin degmadaas ayaa haddana dadka qaarkood waxay aad uga baqaan iney tagaan meelaha ay joogaan sababo kala duwan awgood.
Al-Shabaab ayaanse ogoleyn iney degmadaas galaan gaadiidka sida badeecadaha ganacsi ee daruuriga oo degmadaas lagu geeyo si dhuumaaleeysi ah iyadoo la isticmaalayo gaari dameero maraya wadooyinka qardo jeex ah iyo wareeg aad u dheer.
Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti oo degmadaas la wareegay sanado ka hor ayaa ku guuldareystay iney furaan wadooyinka gala degmadaas si ay godoominta uga saaraan Jalalaqsi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com