Madaxweyne Vladimir Putin ayaa shaaciyey in Ruushku uu soo saarey gantaal cusub oo aan la arki Karin, iyadoo hadalkana la sheegayo in Maraykanka iyo reer galbeedka aysan jecleysan.
Putin ayaa sameeyey shaac bixintan ka gadaal markii uu aasaaska u dhigay hiigsiyo siyaasadeed, markiisii afraad ee uu xilka madaxweynenimo u tartamayo.
Ruushka waxaa ka dheceyso doorasho, 17 maalmood gudahood taasoo la filayo in Putin uu ku guuleysto.
Mr Putin wuxuu ka qeyb qaatay bandhig dhanka hubka ah, waxaa ka mid ahaa gantaal gaari kara dunida oo dhan.
Gantaaladan ayuu sheegay in aanay qaban karin dayax gacmeedyada difaaca Mareykanka ee yaalla Yurub iyo Aasiya.
Wuxuu ku faanay inay soo saareen hub awood u leh xambaarida nukliyerka, sida gantaalka Cruise-ka iyo markabka gujis ah ee biyaha hoostooda quusa ee keligiis iswada
Khudbad labo saacadood laga baahinayay telefishinka oo uu u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka ayuu Putin ku dhiirigaliyey dadweynaha Ruushka inay erey bixin u sameeyaan noocyada hubka ay soo saareen.
“Ruushka wuxuu ka fal celinayaa sanadaha badan ee Mareykanku uu dhagaha ka fureysanayay codsiyo badan oo ku saabsan in aanu jabin heshiiska difaaca gantaallada” ayuu yiri Putin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com