Allbanaadir.com
NEWS

Qodobo xasaasi ah oo laga soo saaray Kulanka Guddiga amniga Gobolka Benaadir

Shirka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo guddoominayey Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ay ka qeyb galeen guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, taliyeyaasha qeybta gobolka ee ciidamada Millatariga, Booliska, Nabad-sugidda iyo Asluubta ayaa waxaa looga wada hadlay afar qodob oo mudnaan u leh ammaanka Caasimadda.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu falan-qeeyey hab dhinac waliba leh ee wax looga qaban karo xaaladda amniga caasimadda, kaas oo aad muhiim u ah, maadaama la diyaariyey ciidamo isku dhafan oo ka shaqeeya sugidda amniga iyo sidii looga hortagi lahaa falalka ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed kooxaha argagixisadu.

Guddoomiye Eng. Yarisow oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday halka uu marayo qorshaha wadajirka ah ee wax looga qabanayo caqabadaha dhinaca ammaanka, iyada oo la kaashanayo qeybaha ciidamadda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii guul mirro dhal ah looga gaari lahaa xasillinta Caasimadda.

“Xasillinta amniga Caasimaddu ma ahan arrin hal maalin oo qura laga shaqeeyo, waa in aad si joogto ah uga ka qeyb-qaadataan, adinkoo la imaanaya wax-qabad kaashanayana shacabka, si aan uga guuleysano argagixsada mar walba dhibaatada u geysanaya nafta iyo maalka shacabkeena, waana in aad qaadataan masuuliyad naga wada saaran arrintan”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa kula dar-daarmay saraakiisha kulanka ka qeyb galay in la dardargeliyo amniga caasimadda, si looga hortago qorshe-yaasha ay maleegayso argagixsadu.

Kulanka ayaa waxaa intii uu socday diiradda lagu saaray, dhacadadii degmada Warta Nabadda oo koox burcad ay boob iyo dil u geysteen ganacsato Soomaaliyeed iyo nin Bajaajle ah oo xalay lagu dilay degmada Hodan, iyadoo dhammaan gacanta lagu soo dhigay dadkii ka danbeeyey falalkaas oo hadda ku xiran C.I.D sharcigana la horgeyn doono, waxana hoosta laga xariiqay in aan la aqbalayn shaarka dawladda lagu dhibaateeyo shacabka.

Ugu danbeyn, kulanka ayaa lagu lafa-guray qaabka ugu habboon ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee aan ka tirsanayn Guutada 12 abriil looga saari lahaa magaalada, dibna loogu celin lahaa xeryahooda, si loo adkeeyo dhaq-dhaqaaqa amniga Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Ajendayaasha Kalfadhiga Shanaad ee Golaha Shacabka oo la ansixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhismo caan ka ah magaalada London oo qeyb kamid ah Masjid laga dhigayo

Cabdi Cade