Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Max’ed Cali (Gaas) ayaa soo saaray labo wareegto oo mid lagu kala diray Golihii degaanka Boosaaso, halka mida kalana loogu magacaabay magaaladaas Gudoomiye iyo ku xigeenka ku meel gaar ah.
Kala dirada Golahii deegaanka Degmada Boosaaso ayaa loo cuskaday markii lagu eedeeyey inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-qabqabsi dhexdooda ah.
Wasiir ku-xigeenkii Wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Gudoomiyaha Magaalada Boosaaso, halka Siciid Cabdirxmaan Maxamed loo magaacay ku xigeen.
Wareegtadii lagu kala diray Golaha deegaanka Degmada Boosaaso ayaa u qorneyd sidatan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 31March 01, 2018, kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu tixgaliyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Marky caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-Qabqabsi .
Wuxuu xeeriyey.
Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
Sidoo kale Wareegtada labaad ee lagu magacaabay masuuliyiinta kmg ah ee Boosaaso ayaa iyana u qorneyd sidatan:-
Xeer Madaxweyne Lr.32 March 01, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii Socoto shaqada maamulka Degmada Boosaaso.
Marku Qiimeeyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.
Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.
2.Waxaa Siciid Cabdirxmaan Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku – Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com