Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidanka PSF oo sheegay iney howlgal ku dileen 19 ka tirsan Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Ciidamada la dagaalanka argagaxisada Puntland PSF ayaa sheegay in 21kii March 2019 ay ku qaadeen hawlgal qorshaysan goobo ay Al-Shabaab ka joogeen degaanada Madarshoon, Karin Xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee Buuraha Calmadow oo ku yaalla galbeedka magaalada Boosaaso.

Saraakiisha PSF ayaa waxay sheegeen in hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, ayna Al Shabaab ka dileen 19 xubnood, iyaga oo tiro kale oo intaa ka badana dhaawacyo gaarsiiyey.

Qoraal ka soo baxay ciidanka PSF ayaa lagu sheegay  inay ka gubeen Al Shabaab raashin ay kaga carareen goobihii ciidamadu ku weerareen.

“Ciidamada PSF waxaa ka go’an in ay god iyo geed walba ka daba galaan kooxaha cadowga ah ee Puntland ku soo duulay , si kooxahaas looga ciribtiro loogana sifeeyo #Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay PSF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma mooddaa in DF-ku dayacday masuuliyaddii ka saarneyd midnimada iyo madaxbanaanida dalka?

Cabdi Cade

Natiijada Dacwada Badda Ma Saameyn Doontaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya?

Cabdi Cade

Shiikh Shariif oo ka falceliyey hadalkii ka soo yeeray taliyaha ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---