Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Gulled (Khadar) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Devid Concar.
Kulan muddo saacado ah qaatay ayaa dhexmaray Kusimaha Raiisul Wasaarah dalka iyo Safiirka Dowladda Ingiriisa ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskashiga labada Dal Somaaliya iyo Britain.
Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahnaR/wasaare kuxigeen Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar)ayaa sheegay in Ingiriisku Soomaaliya ka caawin doono dhinacyadada Dhaqaalaha, Amaanka iyo dimuqraadiyada.
”Waxaan maanta Xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska Uqaabilsan Soomaaliya Ambassador David Concar, waxaana ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal. Dawladda Ingriiskuna waxay balan qaadeen in ay Soomaaliya Ka caawin doonto dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka iyo Dimuqraadiyadda-ba.” ayuu yidhi RW xigeen dalka.
Britain ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya,waxaan Britain ay kaalin ku leedahay taageerada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo guud ahaan hay’adaha Xukuumada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com