Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Inta badan taliyeyaashii Saldhigyada Booliska Muqdisho oo la bedelay (Magacyada)

Toban ka mid ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka gobolka Banaadir ayaa caawa xilalka laga qaaday, ka dib qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhamaan taliyaasha la magacaabay ayaa ahaa Saraakiil laga soo bedelay Nabad Sugidda Waxaana loo magacaabay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso magacyada taliyeyaasha cusub

1-Axmed Qadar ayaa loo magacaabay Saldhiga Xamar Weyne

2-Xuseen Cadceed ayaa loo magacaabay Saldhiga Warta Nabadda.

3-Liibaan Shidane ayaa loo magacaabay Saldhiga Degmada Kaaraan.

4-Bashiir ayaa loo magacaabay Saldhiga degmada Hodon.

Cali Calasow Goofjooge oo loo magacaabay saldhiga degmada Heliwaa.

5-Najiib Carab ayaa loo magacaabay saldhiga Degmada Boondheere.

7-Ismaaciil Muuse taliyaha Saldhiga degmada Dharkaynley

8- Maxamed Cabdulqaadir Nuur (Kabtan Mooshin) oo loo magacaabay Saldhiga degmada Waaberi.

9-Yaasiin Ganey  ayaa loo magacaabay ku-xigeen qayb.

Waa isbedelkii ugu weynaa ee mar qura dhaca waxaana saraakiishan ay intooda badan u ahaayeen taliyaashii Nabad-sugidda Degmooyinka Gobolka Banaadir ka hor inta aan loo soo wareejin Ciidanka Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ka dhacay Isgooska Soobe ee Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Arrinta Mo Farah oo waji cusub yeelatay iyo booliska oo baaritaan billaabay

Cabdi Cade

Feysal Waraabe oo oggolaaday muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Biixi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---