Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Soomaaliya oo tacsi u dirtay shacabka iyo Xukuumada Ciraaq (Akhriso)

WAR-SAXAAFADEED

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Xukuumadda iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Ciraaq iyo ehellada dhibanayaasha doonta dalxiis ee ku qalibmatay webiga Dajla ee Magaalada Mosul, xarunta Gobolka waqooyi ee Naynawa 21 Maarso.

Dowlada Somalia waxay caddaynaysaa inay si dhammaystiran u garabjoogto Ciraaq si ay uga gudubto dhibtani weyn ee ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 100 ruux oo u badan haween iyo caruur, waxa ayna Allah subxaanahu wa tacaalaa uga baryaysaa inuu naxariistiisa hugiyo kuwa geeriyooday, kuwa dhaawaca ahna si deg deg leh u bogsiiyo.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaa ka jira in Max’ed Bin Salman uu booqasho qarsoodi ah ku tegay Israel?

Caydiid Ali

(Sawirro) Jen. Xijaar oo Jabuuti tababar ugu soo xiray ciidan loo tababaray DF

Caydiid Ali

Donald Trump oo guul weyn ka gaaray doorasho ka dhacday gobolka New Hampshire

Cabdi Cade
Taboola Ads ---