Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Shirkadda DP World oo shaacisay in Itoobiya saami laga siiyey dekeda Berbera

Qoraal ay si rasmi ah u soo saartay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxay ku shaacisay in dowlada Itoobiya ay ku leedahay saami gaaraya 19% dekedda Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Shirkadda DP World ayaa qoraalkeeda ku sheegtay iney iyadu leedahay saami dhan 51%, halka Maamulka Somaliland uu ku leeyahay 30%, iyadoo inta soo hartay oo gaaraysa %19 ay leedahay Itoobiya.

Munaasabada saxiixa heshiiska kama dambeynta ah ee dhismaha dekedda Magaalada Berbera ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, halka dowlada Itoobiya uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Axmad Shide iyadoo shirkadda DP world uu u saxiixay Madaxa Shirkadda DP World Sultan Axmad Bin Sulayman.

Itoobiya ayaa waxay maalgelin ku sameyn doontaa sida la sheegay wadooyinka gudaha, waxaana dhismaha dekedda ay bilaaban doontaa dhammaadka sanadkan.

Warka ku saabsan saxiixa heshiiskan ayaa ayaa ku soo beegmayaa xilli  Jabuuti ay ka laabatay heshiis ay shirkadda DP WORLD ku dhiseysay dekedda Doraleh ee dalkeeda.

Heshiiskan maanta lagu saxiixay magaalada Dubai ayaa sidoo kale ku soo aadaya xili uu dalka Imaaraadka Carabta booqasho ku joogo raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali khayre iyo wafdi uu horkacayo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daahir Amiin Jeesow & Xildhibaano kale oo ku soo baxay doorasho ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo qaabilay Xildhibaanada golaha Wakiilada ku matala Kulmiye (Sawirro)

Cabdi Cade

Markab Itoobiya leedahay oo 20 sano ka dib ku xirtay dekedaha dalka Eritrea (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali