Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada amaanka oo soo afjaray Weerarkii Muqdisho iyo ragii hubeesnaa oo la toogtay

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay soo afjareen weerarkii dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ku galeen dhismaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Ciidamada amaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in lasoo afjaray weerarka ay dableyda hubeesan ku galeen dhismaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, waxa ayna saraakiisha sheegeen in la dilay ragii weerarka fuliyay.

Sida ana Wararka ku helnay ciidamada amaanka ayaa toogtay sadex nin oo weerar ku galay dhismaha Wasaarada, waxa ayna ciidamada soo bad baadiyeen shaqaale iyo dad kale oo ku go’doonsanaa dhismaha wasaarada la weeraray.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaano iyo hubin hada kawada dhismaha Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo sidoo kale Wasaarada Howlaha guud iyo dib u dhiska oo isku dhegan .

Weerarkan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ku dhintay lasoo sheegayaa in ay ku jiraan masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya iyo qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradaha la weeraray.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hodan Naaleeye iyo Seygeeda oo kamid noqday dadkii lagu dilay Weerarkii Kismaayo

Cabdi Cade

Raisul Wasaare hore oo la toogtay xilli uu fagaare ka khudbeynayay (Sawirro)

Caydiid Ali

Taariikhda Jareerweyne – Jareerweyne waa dad jir iyo tin adag oo sankuna weyn yahay !!

admin