Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax kale oo maanta Muqdisho ka dhacay iyo Xildhibaan ku dhaawacmay

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geestay oo maanta ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgooye gaar ahaan Wadada laamiga ah ee aada Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley.

Qaraxa ayaa wararka aan heleyno sheegayaan in uu haleelay gaari ay la socdeen askar katirsan ciidanka , waxaa sidoo kale gaariga la sheegay in uu la socday Xildhibaan katirsan Baarlamanaka Hirshabelle.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay labo askari halka uu ku dhaawacay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo lagu magacaabo   Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan la ogeyn ilaa hada cida ay kusoo qabteen ciidamada amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo dal labaad ku eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii Kremlin-ka

Caydiid Ali

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Boosaaso

Caydiid Ali

Xubnihii Kismaayo u tegay caleemo saarka Axmed Madoobe oo la geeyey Goobweyn (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---