Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo amartay in mudo Isbuuc ah Muqdisho ku timaado Danjire Faadumo C/llaahi

Warqad kasoo baxday Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray in mudo isbuuc xarunta Wasaarada  ku timaado Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka.

Sida aan Wararka ku helnay u yeerida safiirada ayaa salka ku heysa kadib markii ay si lama filaan ah uga aamustay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.

Dowlada Soomaaliya ayaa kamid noqotay shan dal oo ka aamusay codeynta cambaareynta go’aanka Maraykanka, waxaana go’aanka dowlada amakaag iyo lama filaan ku noqotay Wadamada Islaamka.

Halkan ka Akhriso Qoraalka loogu yeeray Danjire Faadumo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo daqiiqadihii ugu dambeyay dib u dhigay fulinta qisaasta nin Kenyaan ah

Cabdi Cade

Itoobiya oo duqeyn cirka ah ka fulisay Shabeellaha dhexe

Caydiid Ali

Digniin ka dhan ah kooxda Daacish oo loo diray Shacabka Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---