Allbanaadir.com
NEWS

Qofkii afaraad oo sanad ah gudihiis iska casilay Xilka agaasimaha Warfaafinta aqalka Cad (Daawo Sawirro)

Hope Hicks oo ahayd agaasimaha Warbaahinta Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa xilkaasi iska casishay, 24 saac uu ka dib markii ay guddiga baaraya fadeexada Ruushka u sheegtay inay been cad u sheegtay Madaxweyne Donald Trump.

Gabadhani oo muddo dheer la shaqaynaysay Madaxweynaha ayaa noqonaya qofkii afaraad oo muddo sanad gudihiis ah ka tagta shaqada agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad oo ah xil sidii dhimbil u kulul.

Waa 29 jir horay usoo ahayd dumarka dharka xayaysiiya, ka hor intii aysan Aqalka Cad kusoo biirina waxa ay kasoo shaqaysay shirkadda Trump.

Waxay noqonaysaa qofkii afaraad oo muddo sanad ah gudihiis iska casilay xilka agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad.

Trump oo ka hadlay is casilaadeeda ayaa sheegay in ay ahayd gabar aad hawlkar u ah, isla markaasna uu tabi doono.

Ma aysan sheegin sababta ay xilka uga tagtay, balse Trump ayaa sheegay inuu aqbalay markii ay u tagtay, una sheegtay in ay raadsanayso fursado cusub.

Waxay ku guuleysatay in ay noqoto qof qunyar socod ah ah mana jirin wax fadeexado ah oo soo foodsaaray si ka duwan dadkii xilka kaga horeeyay.

Guddiga Aqalka Congress-ka ee baaraya fadeexada farogalinta Ruushka ee doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii 2016-kii ayaa Sagaal saacadood su’aalo weydiinayey iyada, waxayna inkirtay inay been ka sheegtay ama qarisay wax la xiriira arrimahan la tuhunsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog ku aadan sida ay u geeriyootay Marxuumad Khadiijo Max’ed Diiriye

Caydiid Ali

Xamse Barre oo Sheegay in ciidanka Xoogga hub casri ah lagu qalabeenayo si ay uga…

Cabdi Cade

Banaan bax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---