Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Farqiga u Dhaxeeya Xarumaha ay ku shiraan Wasiirada Jubbaland iyo kuwa Hirshabelle

Maamulka Hirshabelle oo kamid ah maamulada dalka ka jira ayaa si weyn loogu dhaliilay in uu ka mashquulay howlihii loo igmadauy sida dhinaca amaanka , horumarka iyo dhinacyo kale oo badan oo muhiim u ah bulshada.

Hirshabelle oo hada xarun u ah magaalada Jowhar ayaa ah maamul aan laheyn xarumo ay ku shaqeeyaan Wasiirada maamulkaasi iyo hay’adaha kale ee maamulka, waxa ayna noqdeen Wasiirada maamulkaasi kuwa magac u yaal ah oon shaqeyn.

Maamulka Hirshabelle ayaan laheyn xarun Madaxtooyo oo rasmi ah, waxa uu sidoo kale maamulkaasi laheyn xarun Baarlamaan, waxaana Baarlamanaka iyo Wasiirada ku shiraan hool weyn oo ku dhax yaala Iskuulka Farjano.

Hoolka ay ku shiraan Wasiirada waxaa yaala miisas ka sameesan Ulwaax oo dusha laga saaray Calanka Soomaaliya halka Wasiirada ay ku fariistaan kuraasta caaga ah ay suurto gal tahay in uu jabo iyada oo lagu fadhiyo maadaama uusan tayo laheyn.

Marka la bar bar dhigo xaruntan ay ku shiraan Wasiirada Hirshabelle kan ay ku shiraan Wasiirada Jubbaland ayaa ah kaaf iyo kala dheeri, waxaana kuu muuqanaya in isbadal badan labadaasi maamul u dhaxeeyo.

Dadka Falanqeeya siyaasada Hirshabelle ayaa aaminsan in aan la waayin dhaqaale lagu qurxiyo xafiisyada iyo xarumaha maamulka  ku shaqeeyaan , balse hogaanka Hirshabelle aysan arintaasi wax dan ah ka laheyn ayna yartahay madaxda inta ay joogaan Jowhar.

Maamulada dalka ka jira waxaa kaalinta koobaad kaga jira dhinac walbo maamuka Puntland halka Maamulka Hirshabelle uu noqday maamulka ugu liita maamulada guud ee dalka ka jira.

Sawirada Xarunta Wasiirada Hirshabelle ku shiraan

Halkaana ka Daawo Sawirada Xarunta ay ku shiraan Wasiirada Jubbaland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Niarobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Axmed Fiqi oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Pakistan (Sawirro)

Cabdi Cade

Afrika oo markii ugu horeysay marti gelineysa Tartanka Olombikada dhallinyarada

Caydiid Ali

Gudoomiye Shariif Mukhtaar Jiis oo xalay gurigiisa lagu dhax dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---