Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic Khasaaro geestay oo goordhaw lagu garaacay Xaafado kuyaala Muqdisho

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah ay kusoo dhaceen xaafado dad shacab dagan yihiin oo kuyaala magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay ku dhawaan Shan madfac ayaa kusoo dhacay xaafada Baar Ayaan iyo xaafado kale oo ku dhaw dhaw kuna yaala agagaarka xarunta Xisbiga iyo Isbartiibada Muqdisho.

Goob jooge ayaa noo sheegay in uu arkay dhaawacyada ku dhawaad 10-qof oo shacab ah oo waxyeelo uu kasoo gaatray madaafiicda goordhaw kusoo dhacday xaafado kamid Muqdisho.

Wali lama oga bartilmaameedka madaafiicdaasi, waxaana xaafadaha madaafiicda ku dhaceen ku agyaala xarunta Xisbiga oo hada dagan yihiin Ciidamada Xasilinta iyo Garoonka Muqdisho oo iyana xarun u ah ciidamada AMISOM.

Waxii warar ah ee kusoo kordha madaafiicdan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nabadoon caan ah oo caawa lagu dhaawacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wasaarada amniga ee Xukuumada Somalia oo yeelatay Afhayeen cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo lagu riday askar Dad shacab safar ahaa dil iyo dhaawac u geestay

Cabdi Cade