Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sargaal katirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Howlgal ka dhacay Muqdisho

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa howlgal shalay oo khamiis ah ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen sargaal la sheegay in uu katirsanaa Al Shabaab .

Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheesan ee laga fuliyo magaalada Muqdisho.

Sargaalkan la sheegay in ay soo qabteen ciidamada amaanka ayaan magaciisa lasoo bandhigin, waxaana Wakaalada Sonna sheegtay in uu ka dambeeyay dilal badan oo loo geestay dad waxtar u ahaa bulshada.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan shaacisay in howlgalo qarsoodi ah kusoo qabteen saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Al Shabaab, xubnahan lasoo qabto ayaana inta badan loo soo bandhigin Warbaahinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya Meydka sarkaal ka tirsanaa AMISOM oo laga helay Xalane

admin

Xisbiga cusub ee uu horkacayo Xasan Shiikh oo iska bedelay magacii lagu qabsaday (Akhriso)

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo soo saaray Wargalin ku socota Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---